Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta alshabaab isagoo xusay in dhowaan howlgalada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay inay isu diyaariyaan  qeybgalka howgaladaas lagu ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isagoo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha ilaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada  Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay khawaarijtu waxyeeleeyeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...