Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BFS, waxaana uu uga war-bixiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshe hawleedka 2023, caqabadaha jira iyo guud ahaan waxyaabahii u qabsoonay sanadkii hore.

Wasiirku, wuxu sidoo kale halkaas guddiga kula wadaagay warbixinno ku saabsan horumarada laga sameeyey dhinacyada horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha, Maalgashiga, iyo weli ba sidoo kale hay’adda hayo-dhowrka Soomaaliyeed. Isaga oo u gudbiyey liiska shuruucda iyo heshiisyada u qorsheysan inay u soo gudbiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ahmiyad weyn u leh horumarinta iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...