Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu laayey dalka Mali

Date:

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay, tiro kale oo ka mida ciidanka ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi.

Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.

Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...