Madaxweyne Xasan sheekh oo Maamuus Sare ugu sameeyay Madaxtooyada Qaranka xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha

Date:

Muqdisho, Oktoobar 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa hadiyado iyo billad-sharafyo guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada xulka 17-jirrada ee guushan taariikhiga ah u soo hoyey qarankeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad bogaadin iyo dhiirri-gelin ah u jeediyey dhallinyarada, isagoo uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaallanto argagixisada Alshabaab, gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankooda, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane C/llahi Sheikh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen xidigaha soo kacaya ee Qaranka, waxa uuna uga mahad-celiyey maamuuska iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...