IMF oo boogidsay dadaalada Deyn Cafinta iyo Dib – habaynta dhaqaalaha Soomaaliya

Date:

Washington, October 18,2022 –  Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka lagu soo gabagabeeyay shirarkii u socday Hey’adda IMF iyo Waasaaradda Maaliyadda Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Shirarkaan oo ka dhacay Nairobi iyo Washington bishaan gudaha ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka  Maaliyadda, barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay siiyaan saaxiibada Caalamiga ah iyo Hey’addaha Dhaqaalaha Adduunka .

Hey’adda IMF oo warbixin ka soo saartay shirarkii u dambeeyay ee ay la galeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Wasaaradda Maaliyadda ayay ku bogaadisay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka, xoojinta Maamul Guud ee Maaliyadda dalka,  kor qaadista dakhliga gudaha dalka iyo ka dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF waxa ay sheegtay inkasta oo Soomaaliya ay samayn ku yesheen dagaallada dalka Ukraine, Abaaraha soo noqday iyo sicir-bararka ka jira gudaha dalka oo Soomaaliya ay kala mid tahay dunida kale ee dhaqaalaha hoos u socdo, hadda waxa ay sheegtay in Dowladdu xoogga sarayso in ay kordhiso dakhliga iyo Miisaaniyadda Dowladda iyadoo sidoo kale gacan ka helaysa kabka Miisaaniyadda ee Saaxiibadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixin ay Hey’adda IMF ka soo saartay natiijada ka soo baxday Shirarkii isdabajooga ahaa ay la yesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

” Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC.

Warbixintu waxa ay muujinaysaa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo lagu jiro xili adag oo uu dalku ku jiro soo kabashada Abaaraha iyo Cunno yarida”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogaan ugu jirta sare u qaadida dakhliga gudaha iyado adduunku ay samayn dhaqaale oo xoogaan ka jirto, iyo sidoo kale dhamaystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo Soomaaliya wax badan ay soo wadday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...