TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA

Date:

Muqdishu, Oktoobar 09, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah  Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda  loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...