Sarkaal ka tirsan sirdoonka Israa’iil oo lagu dilay magaalada Quddus

Date:

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari boolis ah oo dumar ah ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaaseyn ka dhacday bar koontarool oo ku taal bariga magaalada Qudus oo ay Israa’iil haysato.

 

Waxaa sidoo kale jira askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo isna dhaawac soo gaaray oo xaaladiisa ay aad u liidato.

 

Booliska Israel ayaa sheegay in nin looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa rasaasta la is weydaarsaday la xiray.

 

Sidoo kale, waxaa jira ciidamo nabad-sugid ah iyo diyaarado helicopter ah oo boolisku diyaariyeen si ay saddex qof oo kale uga baadi goobaan goobta.

 

Waxaa maalmahan sii kordhaya xiisadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israa’iil ee ka taagan Daanta Galbeed iyo webiga Urdun ee ay Israa’iil haysato.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...