Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxda dalka Uganda kala hadlaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kujooga dalka Uganda ayaa waxaa la filayaa in uu wada-hadallo la yeesho Madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Yoweri Museveni.

 

Kulamada ayaa waxaa ay ku qotomaan xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga saarayo AlShabaab, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

 

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aad u farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...