Madaxweynihii hore ee Galmudug Abdikirin Hussein Guled oo bogaadiyay kacdoonka shacabka ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya

Date:

Madaxweynihii Hore ee Galmudug Abdikirin Hussein Guled ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Dalkeena iyo dadkeenu waxey ku jiraan xilli aad u adag oo ay isku biirsadeen abaarro, sicir barar iyo gumaadka Al Shabaab. Waxaan sidoo kale ka nimid waqti adag oo doorasho. Marxalad walba oo adag waxey ku kacdaa qiimo gaar ah. Dad waxey bixiyan naftooda, kuwo maalkooda, qaarna waxey ku kaban duco iyo niyad wanaag dadka u taagan in caqabaddahaas la xaliyo.

Al Shabaab waa sababta caqabaddaha maanta dalkeena yaala sida amni darada, dhaqaalo xumada, sicir bararka iyo rajada xumada ka muuqata shacabka. In laga adkaado waxey daawo u tahay dhammaan caqabaddahaas. Si aan u helno Soomaaliyada aan rabno waa inaan xooggeena, xikmaddeena iyo xoolaheena isugu geyna in la tir tiro Al Shabaab. Dariiq walba oo arrintan saamixi kara waa inaan tijaabinaa.

Waxaan boggaadinaya dadweynaha deegaanada Hirshabeelle iyo Galmadug ee go’aansaday iney gunnimada iska dulqaadaan, deegaanada kale ee ayaguna abaabulka ku jira waa ku dhiiri galinayaa waana bogaadinayaa. Waxaa sidoo kale bogaadin iyo amaanba mudan ciidanka Xooga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya iyo madaxda labada heer maamul oo iyaguna muujinaya kaalin wax ku ool ah. Ummaddeenu intaan ka badan ma xamili karto Al Shabaab. Waa inaan aaminaa, kana dhabeyna in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa argagixisadda.

Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan maanta muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxaladahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnimadaas iyo isku duubnidaas.

Al Shabaab waxey diidanyihiin jiritaanka Qaran Soomaaliyeed. Qofkii diida jiritaanka Qaranimadaada wuxuu diiday qofnimadaada. Shabaab waxaa dil ugu xukuman qof walba oo Soomaaliyeed oo damiir iyo faham leh, mana jirto sabab aan u bixino fursad ay dhammaanteen nagu laayaan oo ay Dalka iyo Dowladnimada ku bur buriyan.

Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan wixii aad awooddo.

Soomaaliya guul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir...

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...