8-Sano Kadib Gaadiid Ciidan Oo Safar dhulka ah Isaga Gooshay Xamar ilaa Gobolada Dhexe.

Date:

8-sano sano kaddib ayeey markale maanta suurta gashay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay gaaraan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah kuwa culus ee ciidamada xoogga dalka ayaa loogu talo galay ciidamada qeybta 21-aad oo aan horay u heli jirin gaadiidka culus iyo kuwa gaashaaman ee ciidanka marka laga reebo Gaadiidka Cabdi Bile-yaasha oo diyaarado looga dajin jiray maadaama ay Shabaab haysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada dhexe.

Gaadiidkan iyo ciidanka Soomaaliyeed ee galbinaya ayaa wax ka yar 7-maalin u tagay Guriceel waxa ayna durba u gudbeen deegaanada Beriga Galguduud si ay uga qeyb qaataan baacsiga Al-shabaab.

Sanadkii 2014-kii ayaa u dambeysay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay tagaan gobolada dhexe ee dalka taasi oo muujineysa sida Al-shabaab u lumiyeen deegaanadii ay kaga dhuumaaleysan jireen wadada dheer ee Muqdisho iyo Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...