Alshabaab oo Ku Jabay Dagaal ka Dhacay Galgaduud.

0

Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Alshabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.

Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.

Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.

Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka.

Dawladdu waxay kale oo ay  u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda