Wasiir Fiqiโ€ Waxaan uga digayaa maleeshiyada Al-shabaab in aysan carqaladeyn arrimaha gargaarkaโ€

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta Qaranka ayaa maleeshiyada Al-shabaab uga digay in aysan carqaldeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan argagixisada.

 

โ€œ Waxaana rabbaa inaan uga digo in aysan carqaladeyn deeqahaย  ku socda deegaanada gacantooda ku imtixaanan, in ay ka wareegaan deeqdaas oo la gaarsiinayo dadka u baahanโ€, ayuu yiri wasiir Ahmed Macalin Fiqi.

 

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo barakaca dalka ka jira ay sabab u yihiin nabad-diidka Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii gargaar banii-aadnimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee la daala dhacaya abaaraha iyo colaada ee ay qeyb ka yihiin kooxaha argagixisada.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...