Israel oo duqaysay Gaza iyo Islamic Jihad oo iyadna gantaalo ku ridday dhanka Israel.

Date:

Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.

Saraakiisha ururka falastiiniyiinta ee Islaamig Jihaad ayaa sheegay in ilaa 100 gantaal ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Waxaa ay intaa ku dareen in gantaaladani ay ku dhaceen meelo ay ka mid tahay magaalada Telaviv iyo magaalooyiin kale.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 70 gantaal lagu soo tuuray dhanka Israa’iil.

Qaar badan oo madaafiicda la soo riday ka mid ah ayaa waxaa qabtay gantaalada ka hortaga madaafiicda ee israa’iil.

Waxaa la maqlayay dhawaqa ganbaleelka digniinta iyo kan gawaarida gurmadka degdega ah. Dhanka kale, Xamaas oo maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay ku mideysan yihiin dagaalka, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa socda.

Mar sii horeysay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxaa ay magaalada Qaza ka fuluiyeen duqeymo.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay ilaa 10 qof oo falastiiniyiin ah. Dadka duqeymaha Israa’iil lagu dilay waxaa ka mid ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islaamig jahaad oo lagu magacaabo Tayseer Jabari .

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “u qiyaasayaan in ilaa 15” mintidiinta ka tirsan lagu dilay weerarka ay ka fuliyeen magaalada Qaza.

Weerarrada ay dadka kudhinteen ee Israa’iil ayaa yimid ka dib markii ciidamada Israel ay xireen Bassam al-Saadi, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Islaamig Jihaad, horaantii isbuucaan.

Arrintan waxay sare u qaadeen cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen in ka badan 260 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...