Israel oo duqaysay Gaza iyo Islamic Jihad oo iyadna gantaalo ku ridday dhanka Israel.

Date:

Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.

Saraakiisha ururka falastiiniyiinta ee Islaamig Jihaad ayaa sheegay in ilaa 100 gantaal ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Waxaa ay intaa ku dareen in gantaaladani ay ku dhaceen meelo ay ka mid tahay magaalada Telaviv iyo magaalooyiin kale.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 70 gantaal lagu soo tuuray dhanka Israa’iil.

Qaar badan oo madaafiicda la soo riday ka mid ah ayaa waxaa qabtay gantaalada ka hortaga madaafiicda ee israa’iil.

Waxaa la maqlayay dhawaqa ganbaleelka digniinta iyo kan gawaarida gurmadka degdega ah. Dhanka kale, Xamaas oo maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay ku mideysan yihiin dagaalka, isla markaana aysan ka aamusi doonin waxa socda.

Mar sii horeysay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxaa ay magaalada Qaza ka fuluiyeen duqeymo.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay ilaa 10 qof oo falastiiniyiin ah. Dadka duqeymaha Israa’iil lagu dilay waxaa ka mid ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islaamig jahaad oo lagu magacaabo Tayseer Jabari .

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “u qiyaasayaan in ilaa 15” mintidiinta ka tirsan lagu dilay weerarka ay ka fuliyeen magaalada Qaza.

Weerarrada ay dadka kudhinteen ee Israa’iil ayaa yimid ka dib markii ciidamada Israel ay xireen Bassam al-Saadi, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Islaamig Jihaad, horaantii isbuucaan.

Arrintan waxay sare u qaadeen cabsida laga qabo dagaal kale oo ay Israel ku qaado Gaza, 15 bilood uun ka dib dagaal socday muddo bil ah oo ay ku dhinteen in ka badan 260 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...