Ciidamada DDS oo sheegay in 800 oo katirsan Kooxda Al-shabaab ku dileen dagaalo ka dhacay Gobolka Afdheer

Date:

MUQDISHO-6-8-2022-:Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka DDS ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo Maleeshiyada kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaa oo  24 ka mid ah ay ahayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalada ay qaadeen Ciidamada ammaanku.

Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS Jeneraal Maxamed Axmed iyo Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Difaaca Qaranka ahna Isu-duwaha guddiga Ku meel- gaadhka ah ee Amniga, Major General Tesfaye Ayalew oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in kooxda argagixisada Al-Shabaab ay 14-kii Hamle 2014T.I, ay isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, islamarkaana gabi ahaanba falkoodi argagixiso lagu fashiliyey talaabadii ay ciidamada amniga oo shacabka DDS kaashanaya ay ka qaadeen.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hub badan oo ay Aragixisadu wateen.

Dhankiisa Jeneraal Maxamed Axmed Maxamuud Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS, ayaa cadeeyey in ujeedad kooxaha Argagixisadu tahay, isku day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hawlaha horumarineed ee Dalka iyo Deegaanka ba.

DHAGEYSO.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...