Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay Gobolka Awdal

Date:

Muqdisho-24-7-2022-:Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Deegaanka Dila ee Gobolka Awdal ee Maamulka Soomaliland.

Inta la xaqiijiyey Shilkaan waxaa ku geeriyooday Laba Ruux halka Dhaawaca uu gaarayo in kudhaw 10 qof.

 

Labada marxuum ee geeriyootay   oo midkood la garan-waayey  iyo dadka ku dhawacmay shilkaan ayaa la gaarsiiyey xalay dhaawacooda cisbitalka guud ee magaalada Boorama.

 

Gaadiidkan isku dhacay ayaa kala ahaa Gaari nuuca soomalida u taqaan ????’????ha iyo gaari nuuca dadweynaha qaada ah oo nuuciisa ahaa Bas.

Ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada loo yaqaano iyo dadweyne farabadan ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii shilka ku waxyeeloobay, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

 

Shilalka Gaari ayaa aad ugu badan jidadka kuyaalla degaannada Somaliland, waxaana darawalada qaarkood ay sheegeen inay ugu wacan tahay waddooyinka qaarkood oo aad u burbursan wallow Xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay waxka qaban doonto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...