Maxaa looga hadlayaa Shir Madaxeedka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Date:

Muqdisho,05,7,2022:Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo  shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa Dalkeena uga qeybgalayo wafdi uu horkacaayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed isaga oo halkaas  ku matalaya Madaxweynaha Qaranka Hassan sheikh Maxamuud oo safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga.

shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha,xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.

 

Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

 

Hogaamiyaasha IGAD ayaa sanad walba waxa ay ka shiraan xaaladaha iyo dhibaatooynka ka jira wadamada ku mideysan Ururkaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...