Muqdisho,05,7,2022:Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee caasimada Wadanka Kenya uu ka furmo shirka meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.
Shirkaan waxaa Dalkeena uga qeybgalayo wafdi uu horkacaayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed isaga oo halkaas ku matalaya Madaxweynaha Qaranka Hassan sheikh Maxamuud oo safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga.
shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha,xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.
Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Hogaamiyaasha IGAD ayaa sanad walba waxa ay ka shiraan xaaladaha iyo dhibaatooynka ka jira wadamada ku mideysan Ururkaan.