MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS

Date:

Muqdisho, Juun 27, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.
“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...