DHAGEYSO:Argagixisada Al-Shabaab oo dadka reer Ceelbuur kala wareegtay isbitaal ay dhowaan ku dhisteen olole isku tashi ah.

Date:

MUQDISHO-JUUN20-6-2022:Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dhagarqabayaashooda ka soo gaaray dagaalkii Baxdo.

Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur ayaa noo xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada meydadka Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo kor u dhaafineysa 100 xubnood.
Dadkii kale ee bukaanada ahaa ayaa laga saaray isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxayna argagixisadu dadka deegaanka u diideen inay u soo dhawaadaan isbitaalkaas oo dhowaan dib loogu howl-geliyey olole isku tashi dadweyne ah.
Sidoo kale kooxda oo ka careysan jabkii ka soo gaaray dagaalkii Baxdo, ayaa ganacsatada deegaanka si xoog ah uga qaadaneysa shidaalka iyo sahayda kale oo ay u baahan yihiin.
Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed Cabdi Maxamed oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa u waramay warqabadka Radio Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...