DHAGEYSO:Argagixisada Al-Shabaab oo dadka reer Ceelbuur kala wareegtay isbitaal ay dhowaan ku dhisteen olole isku tashi ah.

Date:

MUQDISHO-JUUN20-6-2022:Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dhagarqabayaashooda ka soo gaaray dagaalkii Baxdo.

Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur ayaa noo xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada meydadka Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo kor u dhaafineysa 100 xubnood.
Dadkii kale ee bukaanada ahaa ayaa laga saaray isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxayna argagixisadu dadka deegaanka u diideen inay u soo dhawaadaan isbitaalkaas oo dhowaan dib loogu howl-geliyey olole isku tashi dadweyne ah.
Sidoo kale kooxda oo ka careysan jabkii ka soo gaaray dagaalkii Baxdo, ayaa ganacsatada deegaanka si xoog ah uga qaadaneysa shidaalka iyo sahayda kale oo ay u baahan yihiin.
Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed Cabdi Maxamed oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa u waramay warqabadka Radio Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...