Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Sarakaal sare oo katirsan Argagixisada Al-shabaab.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab Gร ar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad CXDS Iyo Kuwa Nabadsugida Maamulka Jubaland Ayaa Howlgalo lagu baacsanyo Argagixisada Ka waday malmahan Deeganada Dhaca Dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.

 

Deegaanadan Oo Kala Ah Shabac ,Gaawo Gabdhoodle,Beerxaani,Qudus Iyo Kaanjaroon oo ayย  Argagixisadu ka wadeen falal ay kuย  dhibataynayaanย  Dadka Shacabka ee ku dhaqan degaanadan.

Hawlgalku Intuu Socday ayaa Ciidanka waxa u suuro gashay in Gacanta Ku dhigaan Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana Deganadan Oo lagu Magacaabo Maxamed cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada ee Ay Argagixisadu Taqaana waa (Sakhraawi) waxayna Khaarajiyeen 4 Dhagarqabeย  Oo ahaa ilaalada Horjoogaha,waxana sidoo kale Cagta Lamariyay Goobihii ay Baada Shacabka Uga Qaadanjireen Sida warbaahinta Qaranka u u Xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed .

 

Hawlgalka ayaa Qayb ka ah Hawlgalada Guudย  ee Ciidanka XDSย  ku baacsanayo Argagixisada alshabaab & Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...