Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo sheegtay inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.

Date:

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho geysay 286,650 tallaalka Pfizer ee loogu talo galay xanuunka COVID-19.

 

Tallaalkan ayaa qayb ka ah ballanqaad ay dowladda Maraykanka kaga jawaabaysay dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo xanuunka COVID-19,sida ay hadalka u dhigeen.

 

Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay  dadaallada tallaalka caalamiga ah lagu gaarsiinayo Soomaaliya si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ayna uga qayb qaadan lahayeen  soo afjarida masiibada Covid19.

 

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inay  bixiyo 1.1 bilyan oo tallaalka COVID-19 ah adduunka oo dhan ah.

 

Ilaa hadda tallaalka la gaariisiyey 115 waddan waxaa u gaaraya 500 Milyan oo tallaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....