Madaxweyne Hassan sheikh oo dowladda Imaraadka carabta uga mahadceliyey garab istaaga umadda soomaaliyed .

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha Caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen isbedelka Cimillada. Waxa uuna Alle uga baryey Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka abaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...