Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaliya Abdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin katirsan Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka UK ee soomaaliya iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham.
Wasiir Beyle ayaa masuliyiintaan kala hadlay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka maaliyadda kualnakaana uga hadlayey ayaa u qornaa Sidan.
Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham.
Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.