Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cumar ayaa kulan la qaatay dhigiisa Turkiga Maxamed Mus labada mas,uul ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Ganacsiga labada Dalka .
Dhibatadii ku dhacday Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalkan Turkiga ayay sidoo kale kawada hadleen waxana laysla gartay in Ganacsatada Soomaaliyeed culayska laga qaado loona fududeeyo sharciyada Ganacsiga .
Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in ay Sharciga Ganacsiga ilaaliyaan, sidoo kale kulankan waxa qeeb ka ahaa Safiirka Safarada Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid iyo Madaxa Ganacsiga safarada Mardiya Maxamed Cabdi.