Kulan looga hadlayay kaalinta dhallinyarada Ku leeyihiin Amniga oo Muqdisho kadhacay

Date:

Kulanka ayaa Waxaa looga hadlayay kaalinta ay dhallinyarada Ku leeyihiin Amniga Iyo Doorashooyinka waxaana soo qaban qaabiyay Hay,adaha SWDC, SAFEWORLD iyo Ururka Dhallinyada Gobolka Banaadir waxaan ka soo qaybgalay  Dhallinyaro ka kala socotay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo Agaasimaha Hay,adda Hurumarinka Haweenka SWDC Sahro Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhallinyadu ay qaataan kaalintooda ku aadan Doorashooyinka iyo Amniga.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere Cali yare ayaa kula dardaarmay Dhallinyada in ka fogaadaan Qabyaalada ayna ka faa’ideystaan fursadaha ay heystaan maadaama bulshadeenu ay tahay 75% dhallinyaro.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga  Cabdifitaax Qaasim ayaa u sheegay ka qaybgalayaasha in ay  jirto fursad ay maanta Dhalliyadu ku soo  saari karaan xubnihii  ku meteli lahaa Siyaasadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...