Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay go’aankii kiiska badeena ee ICJ

Date:

Shirka Baarlamaanka ee Jaamacadda Carabta war Murtiyeed kasoo baxay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan intiisa badnaa.

Sidoo kale War Murtiyeedka Jaamacadda Carabta ayaa lagu xusay si guud amniga dalka Soomaaliya iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa si cad ugu sheegay qoraalkooda iney garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada ka qeyb galay Shirka Jaamacada Carabta oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in shirka diirada lagu saaray dagaalka ay dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay ula wareegtay.

Shirka Baarlamaanka dalalka Jaamacadda ayaa ah mid sanadla ah kaas oo ay ugu arrinsadaan xaaladaha taagan iyo kuwa kusoo kordha Dalalka Carabta, iyadoo ay dood ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka kajira wadamada Carbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...