Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ayaa soo xiray tababar maalmahaan u socday qaar ka mid ah howlwadeena warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Tababarkaas oo ku saabsanaa barashada habeynta iyo naqshadeynta muuqaallada warbaahinta Qaranka ayaa socday mudo shan maalmood ah waxaana ka faa’iideystay 10 ka mid ah shaqaalaha warbaahinta Qaranka, gaan ahaan waaxyaha warbaahin Danabeedka (Social Media).
Munaasabad kooban oo lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dhalinyaradaas waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Cadow, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika), Agaasimaha Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame.
Madasha munaasabada ayaa lagu gudoonsiiyay ka qeyb galayaasha tababarka shahaadooyin ay ku muteysteen qaadashada tababarkan.