Soomaaliya oo Kenya kaga guuleysatay kiiskii dacwadda badda ee ICJ

Date:

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta go’aamisa in kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ay ku guuleysatay Soomaaliya, waxayna Meesha ka saartay doodda ugu weyn ee Kenya oo aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Mowqifka Soomaaliya ayaa ahaa in xadeynta lagu saleeyo diilinta toosan ee ku asteysan xududda badda, iyadoo Kenya doonaysay in la raaco diilinta loolka ee dhanka waqooyi, doodaas oo maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Soomaaliya ayaa kiisan geysay maxkamadda ICJ 2014, muddo todobo sano ah oo dadka Soomaaliyeed sugayeen go’aanka maxkamadda ayaa maanta guul ku soo dhammaaday.

Dhul badeedka Kenya doonaysay in ay Soomaaliya ka qaadato ayaa lagu qiyaasaa 100, 000 KM oo isku wareeg ah oo kheyraad badan ka buuxo.

Wefdi sare oo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta goob joog ka ahaa ku dhawaaqista xukunkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...