Shir Muqdisho uga furmay guddi kasoo shaqeynaya ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxuu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...