Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dugsiga Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid19

Date:

Wasaarada Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland, ayaa dugsigga tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho waxay ka bilawday bixinta talaalka Covid-19, si ay hoos ugu dhacdo khatarka xanuunka Covid-19 iyo faafitaankiisa.

Dugsiga Xorgoble ayaa ah dugsi uu tababar ugu socdo ciidamada dawlad goboleedka Puntland, waxaana horay ay wasaaradu u gaysay dhammaan talaaladii kala duwanaa ee dalka la keenay.

Sidoo kale dugsiga ayaa si joogto ah looga sameeyaa wacyi-gelin la xiriira sidii faafitaanka xanuunkaan loo xakamayn lahaa, iyadoo macalimiintu ay kaashanayaan bahda caafimaadka iyo maamullada heer gobol iyo mid degmo.

Maxamuud Bashiir Isku-duwe ku xigeenka caafimaadka, oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka Puntland, la-taliyayaal, masuuliyiin kale iyo madaxda dugsiga Xorgoble ayaa maanta daahfuray talaalkaan, waxayna ciidanka ku booriyeen inta aan qaadan in ay qaataan talaalka, si naftooda iyo buslahadaba ay u badaadiyaan.

Wasaaradaha caafimaadka dalka ee heer federaal illaa heer dowlad goboleed ayaa dadaal ugu jira sidii bulshada Soomaaliyeed looga xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaan halista ah ee Coronavirus, kaas oo hadda markii seddaxaad soo laba kacleeyey, sida ay xalay shaacisay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...