Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay Weheliyaan Xubno tirsan Hay’adda IMC ayaa kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee Gaalkacyo.
Maayarka iyo Saraakiisha ka socday Hay’adda IMC ayaa qoysaska danyartaa ee ku jira kaamamka ku yaaha Gaalkacyo iyo hareeraheeda ka dhageystay baahiyaha aas aasigaa ee ay qabaan wuxuuna duqa degmada ka dalbaday hay’adaha Samafalka siiba IMC in si deg deg ah loo caawiyo qoysaska barakacayaasha ee colaadaha uga soo cararay deegaanadoodii.