Guddiga doorashada heer DG ee HirShabeelle oo codsi u diray Madaxweyne Guudlaawe

Date:

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan inuu u soo gudbiyo liiska xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in mas’uuliyadi ka saran tahay ilaalinta waqtiga loo qorsheeyey in doorashada lagu qabto, waxuuna qoraalka guddigaan heer dowlad gobooleed ee HirShabeelle ku soo aadayaa, iyadoo caawa guddiga doorashooyinka heer federaal uu soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.

Hoos ka akhriso codiga Guddiga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...