Waaxda dalxiiska ee Bariga Afrika oo khasaartay dhaqaale badan

Date:

Qeybta dalxiiska ee Bariga Afrika ayaa lumisay in ka badan $ 4.8 bilyan iyo 2 milyan oo shaqooyin ah sannadka 2020 iyada oo ay sababeen xannibaadaha COVID-19, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay Arbacadii.

Waaxda dalxiiska ayaa ku biirisa qiyaastii 10% Jaaliyadda Bariga Afrika (East African Community) dhinaca wax-soosaarka guud ee wadammada (GDP) waxayna u dhigantaa 17% dakhliga dhoofinta iyo qiyaastii 7% xagga shaqooyinka, marka loo eego xogta rasmiga ah.

Warbixinta Golaha Ganacsiga Bariga Afrika (East African Business Council), oo ah urur ganacsiyo gaar ah ku leh gobolka, ayaa muujisay in 4.2 milyan oo dalxiisayaal ajnabi ah aysan awoodin inay u safraan goobaha dalxiiska ee Bariga Afrika.

“Waxaa la qiyaasayaa in shaqooyinka dalxiiska ee gobolka ay hoos u dhaceen qiyaastii 4.1 milyan oo ay gaareen 2.2 milyan,” ayuu yiri madaxa fulinta EABC John Bosco Kalisa.

Ururka EAC ayaa bishii la soo dhaafay ansixiyay qorshe dib-u-soo-kabasho COVID-19 oo loogu talagalay dalxiiska kaas oo doonaya in dib loo soo nooleeyo waaxda iyada oo la hubinayo in lixda dal ee xubnaha ka ah-Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Burundi iyo Koonfurta Suudaan-ay qaataan hab wadajir ah oo isku duuban dhanka soo kabashada dalxiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...