Congress-ka oo Biden ku cadaadinaya in suxufiyiin laga soo qaado Afghanistan

Date:

Xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa Arbacadii ku cadaadiyay Madaxweyne Joe Biden inuu boqolaal qof oo xiriir wada-shaqeyn ah la leh Wakaaladda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee (USAGM) in laga soo daadgureeyo Afghanistan.

Washington ay ku deg degayso wakhtiga kamadambaysta ah ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, kaas oo ku eg 31 -ka Ogosto.

Warqad ay Arbacadii Senator Ben Cardin iyo William Keating u direen madaxweyne Biden ayay ku sheegeen in ilaa 550 qof oo shaqaalaha USAGM iyo qoysaskooda ay weli isku dayayaan inay ka baxaan Afghanistan.

“Waxaan idinku adkayneynaa in 550 oo ka mid ah shaqaalaha USAGM iyo qoysaskoodu aysan ka duwaneyn weriyayaashii aad hore uga soo qaaddeen Afghanistan,” ayaa lagu yiri warqaddan, iyagoo xusuusiyay maamulka Biden in dhowr hey’adood oo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ay shaqaaladooda u soo daadgureeyeen.

“Xiriirka ay la leeyihiinn dowladda Mareykanka darti waxay wariyeyaashan weli bartilmaameed u yihiin Taalibaan” ayaa lagu yiri warqaddan.

Dadaallada daadguraynta suxufiyiinta Afghanistan ayaa kordhay toddobaadkan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalyahannada Taalibaan ay baarayeen guryaha qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Taalibaan ayaa baartay guryo ay leeyihiin ugu yaraan shan suxufi, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...