Shirka madaxda golaha wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Date:

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ah si rasmi uga furmo magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horay loogu socon lahaa dhamaanba hawlaha Doorashooyinka dalka.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa soo gaaray Muqdisho, markii laga reebo madaxweynaha Puntland oo lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka madaxda golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban R/Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...