Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, laguna soo gunaanadayay tartan cilmiyeedka bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda,Β Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta,Β Guddoomiyaha Bankiga IBS, Wakiilada Tartameyaasha kaalimaha hore ka galay tartanka, kuwaasi oo kala ah Kismaayo oo sanadkan ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta labaad gashay iyo Warta Nabadda oo sanadkan kaalinta saddexaad gashay iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Sharmaβarke Maxamed Warsame oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo waqti hore la bixiyo abaalmarinada sanadkan, waxaana uu intaa ku daray in ujeedka tartanka uu ahaa sidii aqoon loo kala faaβiideysan lahaa, ayna tahay wax lagu farxo in bulsho badan ay kala socdeen baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Timajilic oo qadka telefoonka kaga qeyb galay xafladda ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dhamaan tartamayaasha ka qeyb galay tartanka, waxaana uu xusay inay tahay wax lagu farxo in aqoon lagu tartamo, Kismaayana ay kaalinta koowaad gasho.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee degmada Yaaqshiid Mudane Cabdifataax Axmed Cali ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kaalinta ay galeen, waxaana uu Hambalyo u diray guuleystayaasha degmada Kismaayo, ayna diyaar u yiihiin inay ka qeybgalaan sanadka soo socda.
Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in IBS banki ay taabagelisay tartanka, isla markaana ay guuleystaha koowaad ay qaadan doonaan 2,000$ halka kaalinta labaad ay galeen 1,000$ waxaana kaalinta 3aad la siinayaa 500$, waxaana uu tartameyaasha u rajeeyey in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Baraare.
Qaar ka mid ah wakiilada guuleystayaasha degmooyinka Kismaayo, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeybgalka tartanka, ayna u mahadcelinayaan intii soo qaban qaabisay, lana horumariyo suβaalaha oo xoogga la saaro dhanka taariikhda dalka.
Guddoomiyaha Bankiga IBS Cabdiraaq Cali Warsame ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin taabagelinta sanadkan ee tartanka, waxaana uu intaa ku daray inay adeegyo casri ah ay bjxiyaan oo qeyb weyn ka qaadaneysa kobcinta dhaqaalaha dalka.
βIBS waxa uu maalgeliyaa dhismaha dalka, dhiiragelinta ganacsatada yar yar, inaan tartankan maalgelino waxa ay qeyb ka tahay adeegyada aan qabano, runtii waxaa aad ii farxad geliyay sida dhallinyarada ay kala faaβiideysteen aqoon iyo isbarasho, waxaana u mahadcelinayaa macalimiinta tartanka ka qeyb galayβayuu yiri Cabdiraaq.
Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartanka uu soo maray marxalado kala duwan, uuna soo socdayΒ 11 sano, ayna qorsheynayaan in la balaariyo tartanka si loo helo degmooyin horleh oo ku soo baxa is reeb reeb.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa sheegay in ujeedka tartanka uu yahay kobcinta aqoonta ayna tahay qorshe la doonayo in bulshada laga dhiso dhanka aqoonta.
βHambalyo ayaa u dirayaa tartamayaasha Kismaayo, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, waxaan kaloo u mahadcelinayaa Bankiga IBS oo sanadkan gacan nagu siiyay qabsoomidda tartankaβ. Ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa Hambalyo u diray dhamaan ka qeyb galayaasha tartanka, gaar ahaan degmooyinka kaalimaha hore galay.
βWaxaan Hambalyo u jeedinayaa Bankiga IBS oo laβaantiis aan tartanka qabsoomi lahayn, faaβiidada weyn ay tahay maalgelin ay ku sameeyeen bulshadooda oo aqoon ku tartameysay, taasi oo dhiiri gelin u ah dhallinyarada tartanka ka qeyb gashayβ. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.
βWaxaan kaloo u mahadcelinayaa howlwadeennada Warbaahinta Qaranka oo 30-kii cisho u taagnaa qabsoomidda tartanka, barnaamijkaan waa barnaamij macno badan ku fadhiyo, waxaan filayaa in tartanka la balaariyo oo Ramadaanka ka hor la qabto, waxaan ka raali gelineynaa cidkasta oo cabasho qabta, waxaan rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaarno horumar iyo Nabadβayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Cadaala.
Xafladda ayaa ugu dambeyn abaalmarino iyo shahaado Sharaf la guddoonsiiyay guuleystayaasha sanadkan, waxaana kaalinta koowaad gashay tartamayaasha Kismaayo, Yaaqshiid oo kaalitna labaad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad sanadkan gashay.

