Wasaaradda shaqada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkadaha gaarka loo leeyahay

Date:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan ba heshiisyadii ay kula jirtay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqada leh in shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu diraan.

Wareegto uu soo saaray Wasiiru dowlaha Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horay u la gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa gaarsiiyay hay’addaha ay quseyso wareegtadani, isagoo dhinaca kale ka codsaday Heya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darteed loo dhoofinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababbarka Guddi-hoosaadyada Dowladda ee Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Yuusuf...

Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

SAWIRRO: Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo ay ka socota diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Kaaraan iyo Hodan ayaa...