Wasaaradda Haweenka oo xarunta carruurta agoonta Dr Kadare ku wareejiyay qalab la isaga difaaco COVID-19 “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maamulka xarunta carruurta agoonta ee Dr Kadare ku wareejiyay qalab la isaga difaaco cudur COVID-19 oo ay ka mid yihiin Waji xirka (Face Mask) iyo dareeriyaasha jeermis dilaha ah (hand sanitizers).

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Haweenka oo ay ka mid tahay, Agaasimaha Waaxda xiriirka iyo abaabulka Nadiifa Cabdi Diirshe, ayaa qalabka ku wareejisay maamulka xarunta agoonta Dr Kadare.

Shalay ayaa sidan oo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka mudane Isaaq Xaashi Jimcaale, waxaa qalabka lagaga hor tago cudurka COVID-19 ku wareejiyay maamulka Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Maxamuud Mire ee degmada Waaberi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...