Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay qaraxii caawa

Date:

Qof naftii halige ah oo xiran jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Kooxda dembibaarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID iyo Saraakiil kale ayaa gaaray goobta iyagoo billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo aad loo adkeeyay sugidda amniga magaalada Muqdisho, waxaana gudaha magaalada laga sameeyay baro koontarool oo dheeri ah si loo ilaaliyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed oo waqtigaan ku howlan cibaado iyo Alla bari, maadaama lagu guda jiro dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...