Liibiya: Inka badan 150 Muhaajiriin Tahriibayaal oo laga badbaadiyay kooxo Burcad ah.

Date:

Ciidamada Amaanka Liibaya ayaa weerar qarsoodi ah oo ay ku qaadeen xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haweenka .

Howlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay 16-kii Febraayo kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday isbuucii lasoo dhaafay iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in la xiro .

Qofkaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ka dib wareysi ay la yeesheen iyo sidoo kale baaritaanno dheeraad ah ay ku sameeyeen axadii lasoo dhaafay .

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa qabtay ugu yaraan lix tahriibiyaal kale waxaana loo gudbiyay dacwad oogayaasha hase ahaatee mas’uuliyiinta Liibiya waxay sheegeen inay weerareen xabsi qarsoodi ah tahriibyaasha magaalo ku taal koonfur-bari oo ay isticmaali jireen kooxaha ka shaqeeya arrimaha tahriibkan iyadoo muhaajiriinta ay dhibaatooyin farabadan kala kulmi jireen.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal

Liibiya waxay gashay fowdo ka dib kacdoonkii 2011 ee lagu riday laguna dilay hogaamiyihii mudada dheer Muammar Gaddafi. Waddanku wuxuu u kala jabay dowlad caalami ah oo la aqoonsan yahay oo fadhigeedu yahay caasimadda, Tripoli, iyo kooxo kale ee kasoo horjeedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...