Maamulka Cisbitaalka Samareeb oo la wareegay Agab caafimaad+(SAWIRRO).

Date:

Agabkan Caafimaad oo ka kooban ilaa afar Mishiin oo ah kuwa neefta siiya bukaanada ay ku adkaato in ay helaan Oxygen ku filan, kana yimid ganacsato kasoo jeeda Galmudug oo ku deeqay in lagu caawiyo bukaanada wajahaya qatarta Caafimaad ee ka jirta qaar ka mid ah Isbitaalada Gobolka Galgaduud , loona soo wakiishey wareejintooda, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug Mudane Axmed Mirre Faafaale ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Maamulka Isbitaalka weyn ee Magaalada Samareeb gaar ahaan qaybtiisa la tacaalida Xaaladaha Covid-19.

Dr. Axmed Mahdi, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka oo u mahad celiyay Ganacsatada ku deeqday mishiinadan ayaa tilmaamey in baahida Isbitaalka ka jirto ay tahay mid baaxad leh oo u baahan in lagala qayb qaato sidii loo dabooli lahaa.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilaabadan lagu soo iibiyey Afartan Mishiin oo qayb ka ahaa gurmad ay sameeyeen ganacsato kasoo jeedo deegaanada Galmudug, ku sheegay in ay tahay mid kusoo aadey xili baahi weyn loo qabay helitaanka agabkan.

Agabkan caafimaad  oo xiligan ka mid ah kuwa dalku ugu baahida badan yahay ayaa caawin doona bukaanada uu soo rito Xanuunka Covid-19 oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay shaacisey in ay sii kordhayaan dadka laga helay saacadihii ugu dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...