Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadamada Carabta.

Date:

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka qeybgalay Shirka Agaasimeyaasha Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee wadamada xuminta ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay  aaladda Fogaan aragga (ZOOM).

Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa hormarro la taaban karo ka sameysay qodobada looga hadlay shirarkii hore, sida; ka-hortagga Socdaalada Sharci darada ah, ka hortagga sameynta iyo ku safarka Dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo sidoo kale soo dhaweynta qaxootiga Carbeed ee ku sugan Soomaaliya sida Suuriyaanka  iyo Yamaniyiinta.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.

Shirkaan oo laba maalin socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta, kaas oo si weyn looga dooday ilaa ay 14 dal oo kamid ah ay soo gudbiyeen nuqulo kamid ah aqoonsiga,  markii dambena leysku raacay in aragtiyo  intaa ka badan laga yeesho.

Ugu dambeyn, Shirkaan oo jawi wanaagsan ku soo xirmay, waxaa bandhigyo ku sameeyay Dowladaha Urdun,iyo Sudan , kuwaas oo soo   bandhigay qaab-dhismeedka Hey’adahooda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Adeegyada ay bixiyaan Iyagoo meesha ku soo bandhigay adeegyada kala ah Bixinta Baasaboorka, Galka Qoyska, Kaarka Aqoonsiga, Shahaadada Dhalashada, Shahaadada Nikaaxa, Shahaadada Dhimashada, Shahaadada Furiinka iyo Galka Shakhsiga. Sidoo kale waxaa la isku raacay in adeegyada Socdaalka Wadamada Jaamacadda Carabta la fududeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay...