Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo tababar u soo xiray howl wadeenno kala duwan+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Maaliyada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan socday muddo labo cisho ah oo magaalada Dhuusamareeb ay kaga qayb-galeen in ka badan 25 Wasaaradood Iyo shan hay’addood oo ka mid ah kuwa dowlada loogana dooday miisaaniyad sanadeedka 2021 oo Galmudug dooneyso in la kordhiyo daqliga soo galaya qasnada dowlada.

Muddadii kulankani socday ayay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ku soo bandhigtay miisaaniyad sanadeedka 2021 oo Wasaarad walbaa ku biirisay talooyin la xiriira culeesyada heysta iyo qoondada celcelis ahaan loo qorsheeyay ee ku xusan  miisaaniyadda Sanadka cusub, sidoo kale Kulankan ayaa lagu siiyey ka qayb galayaasha tababar la xiriiray maamul wanaaga Maaliyadda oo koobayay dhamaan dhinacyada kala duwan ee Maaliyadda,Sidaa uu munaasabada xiritaanka ka sheegay Wasiirka Maaliyadda Galmudug.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo Kulankan soo Agaasintey ayaa ku howlan dardar galinta iyo sare u qaadida hannaanka Maaliyadda Galmudug iyadoo loo marayo hab ku dhisan isla xisaabtan koobaya howlaha socda, waxaana madashan laga shaaciyey in Mudadii koobneyd ee xukuumadani jirtay ay kordhay daqliga guddaha iyo deeqaha ka yimid wadamada caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...