Xidigaha Xulka Galmudug oo afka ciidda u daray dhigooda Hirshabeelle.

Date:

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedkada oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah xulka difaacanaa sanadkan koobka, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Galmudug iyo Hirshabeelle isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badanbalse  xidigaha kubada cagta Galmudug ayaa waxay muujiyeen is ku dayo badan oo ay ku abuureen fursado markii danbe ay ku dhaliyeed goolkoodii 1aad ee ciyaarta , ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday xidigaha kudhada cagta Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...