In ka badan 40 dal oo UK saartay xayiraad dhanka duulimaadka ah taas oo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha dadka UK

Date:

Dalka UK ayaa wajahaya labo mushkilo oo waaweyn kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka .

UK oo ah dalka shanaad ee ugu taajirsan dunida waxaa iminka la dagaya nooc cusub oo ah feyraska karoona iyo xayiraad ay saareen dalal badan kuwaas oo cabsi ka qaba xanuunka laayaanka ah ee sida daran u faafaya.

Ilaa 40 dal oo badankooda ku yaala qaarada Yurub ayaa joojiyay duulimaadyadii si ay uga gaashaantaan xanuunka nooca cusub ee karoonaha ah ee UK laga helay.

Dalka faransiiska ayaa xiray marinka kaliya ee isku xira UK iyo Yurub kaas oo ah surinka biyaha English Chanel.

Gaadiid badan ayaa hoganaya magaalada Dover ee gobalka England halkaas oo ay ku taala dekada ay maraakiibtu ka xanbaaraan gaadiidka xamuulka.

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka badda ka hoos dusa ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu taleefan kula xiriiray madaxweynaha faransiiska ayna ka shaqeynayaan sidii marinka badda loo furi lahaa .

Cuntada UK waxaa 20% ay soo martaa gacanka English Chanel waxaana sidoo kale ay UK halkaasi ka dhoofisaa wax soo saarkeeda sida cuntada badda .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....