Shaqaale gargaar oo lagu dilay gobolka Tigree- Ethiopia.

Date:

Affar shaqaale gargaar ah ayaa lagu dilay bishii hore gobolka dagaalada ka socdaan ee Tigree ee waqooyiga Ethiopia, sida ay sheegeen hey’adaha gargaarka.

Sadex kamid ah ilaalada hey’adda DRC ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda iyadoo Guddiga Badbaadada Caalamiga ah ee IRC sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda lagu dilay gobolka Tigree.

Warar badan lagama hayo sida uu dilaas u dhacay, maadaama degaanka aysan ka jirin isgaarsiin isla markaana ay adag tahay in la helo xaqiiqada.

Hey’adda DRC ayaa sheegtay in ay aad ugu xun tahay dhimashada shaqaalaha dhanka amniga u qaabilsanaa.

Sidoo kale hey’adda IRC ayaa sheegtay in qofka shaqaalaha ee hey’adda laga dilay oo ku sugnaa xero qaxooti oo ku taala magaalada Shire, 19 bishii hore, labo maalin ka hor inta aan dowladdu la wareegin magaaladaas.

Tan iyo affarta bishii hore, gobolka Tigree waxaa ku dagaalamaya ciidanka dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega ee TPLF.

Inkastoo, dowladda la wareegtay maamulka gobolka Tigree, haddana waxaa halkaas ka socda dagaalo, iyadoo madaxda TPLF sheegeen in ay sii wadayaan dagaalka kaga soo hor jeeda xukuumadda Abiy Axmed.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen dagaalka halka ku dhowaad 50,000 oo rayid ah u qaxeen dalka dariska ah ee Suudaan.

Dowladda Ethiopia ayaa 28 bishii November la wareegtay xarunta gobolka Tigree ee Mekelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...