Ololaha 16 maalin ee ka hor tagga tacadiyada haweenka oo Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay+(SAWIRRO).

Date:

Barnaamijkan oo gunaanad u ahaa wacyigalino xiriir ah oo mudo 16-maalmood ah ka socdey degaanada Galmudug, diiradana lagu saarey ka hortagga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka ayaa lagu qabtey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madasha Wasaaraddaha, haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, shaqada iyo shaqaalaha, Owqaafta iyo Arimaha diinta iyo Bulshada rayad.

Sanad walba maalmaha u dhexeya 25-ka November ilaa 10-ka Dec, waxaa Dunida oo dhan laga xusaa maalmaha loo dhaqdhaqaaqo ka hortagga dhibaatooyinka loo gaysto haweenka Waxaana maalmahaasi degaanada Galmudug lagu qaadaa dhigey sida loo wajahi karo in ka hortag laga sameeyo dhibaatooyinka loo geysto haweenka Galmudug.

Abdijamaal Xasan Magan Madaxa Hey’adda IRC oo gacanta ku heysa xarumaha qaabila Haweenka la Kulmay tacadiyada ayaa ka waramey howsha ay qabtaan iyo sida ay u maareeyaan dhibaatooyinka Haweenku wajahaan inta badan.

Wasiirka Haweenka Galmudug Marwo Ubax Xuseen Dhiblaaawe, oo si qoto dheer u faah faahisey dadaalaada wasaarad ahaan ay wadaan ayaa muujisey in 16-ka maalmood ee wacyigalinadani socdeen looga faa’iideystay in lala kulmo bulsho farabadan oo kala joogta degaano kala fog.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...