Ra”iisul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe+(SAWIRRO).

Date:

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliye Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladd Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada , Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga RW Rooble ayaa loo gudbiyay Aqalka madaxtooyada Puntland halkaasi oo ay kulamadooda kowaad kula qaadan doonaan Madaxda Puntland waxaana lagu wadaa in Ra’iisul wasaarahu joogi doono maalmahan soosocda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...