Isku aadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada iyo Gobolka Banaadir oo lagu sameeyay Muqdisho.

Date:

Masuuliyiin ka tirsan dowladda , madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya , Xubno ka socday maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo bahda sportiga ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sameenayay Isku aadka Tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo mudooyinkan aad loo wada sugayey.

Qoryatuurka tartanka oo ay sameeyeyn qaar kamida halyeeyadii hore ee kubadda cagta ee dalka ayaa wuxuu nasiibku isku beeqaamiyay tiimam isku heelanaa iyo kuwa kale oo kala gambanayey.

Tartanka oo sanadle ah ayaa waxaa 6-da team ee ka qeyb galaya loo kala saray  2 Horin oo kala ah Qeybta A:   oo ay ku jiraan  Banaadir, Galmudug iyo Hirshabelle.  iyo qeybta  B:  oo ay ku madalsanyihiin Putland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, taas oo ka dhigan in baratanka tartanku uu yahay mid culus.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir Basma Caamir Ajakeeti ayaa xustay in ka maamul ahaan ay farxad u tahay In sanadkii sedexaad ay marti geliyaan tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab Ayaa sheegay inay u taganyiniin horumarinta iyo dhiirigelinta dhalinyrada Soomaaliyeed ee jecel sportiga.

Wasiiru- dowlaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sheegay In ka wasaarad ahaan ay gacan ka geysan doonaan dhiirigelinta iyo horumarinta ciyaaraha qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo sanadkan u furan in lagu ciyaaro seddex garoon ee kala ah, Inineer Yariisow Stadiom , Stadiom Muqdisho iyo garoonka Jaamacadaha ayaa la filayaa in daaha laga rugo bartamaha bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...