Furitaanka tartanka Kubadda cagta Dowlad goboleedyada iyo Gobolada Banaadir oo la shaaciyay.

Date:

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga uu furmayo tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedka iyo gobolka banaadir kuwaasi haatan dhammaan lixda kooxaad ay ku sugan yihiin caasimada ee magaalada muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cali oo ka hadlay furitaanka isku aad tartanka kooxaha kubaadda cagta dowlad goboleedka iyo gobolka banaadir banaadir ayaa sheegay in shan iyo tobanka bisha soo socota uu bilaaban doono tartanka sida la qorsheeyay.

Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sidoo kale in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah ay siineyso ciyaaraha dalka si ko loogu qaado is dhaxgalka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Isku aadka Tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee #2020-ka ayaa loo kala qeybiyay labo guruub.

Guruubka koowaad waxaa isagu soo baxay kooxaha gobolka Banaadir,Galmudug iyo Hirshabeelle,halka guruubka labaad ay isku aadeen kooxaha Punland,Koofur galbeed iyo Jubaland.

Tartankii ugu dambeeyay ee dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa waxaa ku guuleysay kooxda kubadda cagta ee jubaland iyadoo ka guuleysatay kooxda kubadda cagta ee Punland.

Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa ku dhawaaqday in 15 bisha December uu bilaabanayo Tartanka kubadda cagta D/goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...